China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin†haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.
Digniintii ugu dambeysay ee China ka tmid ayaa waxaa jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay.
Zhao ayaa sheegay in maadaama Pelosi ay tahay “mas’uulka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Mareykanka,†islamarkaana booqasho ay ku tagto Taiwan, oo China ay sheegato inay ka tirsan tahay, “ay noqon doonto faro-gelin weyn oo lagu sameeyey arrimaha gudaha China.â€
Waxa uu ka digay in taasi ay hoggaamin doonto “cawaaqib iyo xaalad cusub oo darran.â€
Pelosi oo ay wehliyaan xubno dhowr ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa maanta Singapore ka billowday booqasho ay ku mareyso dalal dhowr ah oo ka tirsan Asia, waxaana jirta suurta-galnimo ah inay booqan karto Taiwan.
“China waxay xaqiiqdii qaadi doontaa tallaabooyin adag oo jawaab ah si ay u difaacdo qarannimadeeda iyo madax-banaanieeda dhuleed. Marka ay noqoto waxa ay noqon karaan tallaabooyinkaas, haddii ay ku dhiirrato inay tagto, markaas aan sugno oo aragno,” ayuu yiri Zhao.