Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo aan la bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan xarigiisa. Xildhibaanka ayaa horey si weyn u dhaliilay maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi, oo uu ku eedeeyay caburin iyo fashil siyaasadeed.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in sirdoonka Somaliland ay xireen xildhibaanka, xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Imaaraatka Carabta. Arrintan ayaa kicisay dareen xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka oo si adag uga falceliyay xariga xildhibaanka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Xariga xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sidoo kale caro ka dhex abuuray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Ayuub Ismaaciil ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, isagoo yiri, “Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka loo geystay xildhibaan Maxamed Abiib. Haddii maalinnimo cad sidaas loogu afduuban karo Hargeysa xildhibaan reer Awdal ah, waxaa sidoo kale meel walba lagu dili karaa qof walba oo reer Awdal ah.”
Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu cuslaa ee soo wajahda siyaasadda Somaliland, waxaana ay sii hurin kartaa xiisadda ka dhex oogan maamulka iyo bulshada reer Awdal, oo horey uga cabanayay cadaadis iyo caddaalad darro. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoo bulshada iyo siyaasiyiinta kala duwan ay isha ku hayaan tallaabooyinka xiga ee ka imaan doona maamulka Muuse Biixi.