Dowladah Canada iyo Mexico ayaa si isku mid ah ugu jawaabay, canshuur-kordhinti uu Sabtidi badeecadaha ay u soo dhoofiyaan Mareykanka saaray madaxweyne Donald Trump.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidi sheegay in ay dhaqan gashay tacriifta uu horay u saaray badeecadaha Mexico, Canada iyo Shiinaha. Canada iyo Mexico ayuu dul dhigay canshuur kordhin dhan %25. Mexico iyo Canada ayaa Axaddii shalay iyaguna ku dhawaaqay in si aargoosi ah ay 25% u saareen badeecadaha uu Mareykanka geeyo dalalkooda.
Canada waxay sheegtay in Talaadada berrito ah ay dhaqan geli doonto canshuur kordhinta koowaad oo ay sheegtay in ay saartay cabitaannada, alaabaha la isku qurxiyo, iyo warqadaha. Badeecadahaasi ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 20 bilyan oo dollar.
Wajiga labaad ayay sheegtay in ay saari doonto alaabo kale oo uu Mareykanka Canada u iib geeyo oo ay ku jiraan baabuurta yar yar, kuwa xammuulka, biraha iyo jaandiga, khudaarta iyo hilibka xoolaha iyo kuwa doofaarka.