Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu xalay ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kadib markii Jeyte uu Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne.
Guddoomiye Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado, inkastoo ay xusid mudan tahay inuu isagu markii hore magacaabay.
Cali Jeyte ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya Gobolka Hiiraan uusan qeyb ka aheyn dowlad Goboleedka Hirshabelle, isagoona ku baaqay shirweyne lagu dhisayo maamul uu ku sheegay Magaciisa Hiiraan state oo laga hirgelinayo gobolkaas.
“Hirshabelle wax la yiraahdo ma aqoonsani, taas beddelkeedana waxaa ku dhawaaqay dhismaha Hiiraan State†ayuu yiri Gudoomiye Cali Jeyte, Xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jeyte ayaa laga cabsi qabaa iney khilaaf cusub ka dhaliso Gobolka Hiiraan,
Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ahaa masuul astaan u noqday kacdoonkii iyo dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan iyo gobolada la deriska ah.