Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku saxiixay labada hindise-sharciyeed ee kala ah:-
1-Dhaqan-galka ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2025 ee Dowladda Hirshabeelle.
2-Dhaqan-galka ansixinta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka ee Dowladda Hirshabeelle.
“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo horay u soo ansixiyay miisaaniyada iyo sharciga deegaanka ee aan maanta saxiixay. Hirgelinta sharciyadan waxa ay guul weyn u tahay bulshada Hirshabeelle.”
Sannadka curran doonno ee 2025 ayaa la filayaa in Dowladda Hirshabeelle ay shaqaalleysiiso shaqaallihii ugu badnaa ee ka mid noqdo shaqaallaha rayidka