Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlaanka Cusub iyo siyaasiyiin.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa si gaar ah uu kulan ula yeeshay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu kulan layeeshay Madaxweynaha Dowlaad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Cali Guudlaawe, waxaana kulanka looga hadlay arrimo ku aaddan doorashada dalku galayo iyo arrimo ku aaddan olaha-doorasho ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.