Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cali Guudlaawe iyo Wafdigiisa ayaa halkaasi lagu soo dhaweeyay, waxaana uu tagay xeebta oo uu kula kulmay kalluumaysato, kuwaasi oo uu warbixin ka dhagaystay.
Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, iyo tan kaluumeysatada deegaanka oo mudooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.