Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo xiray munaasabadda shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Maamulka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.
Shirweynaha oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Jowhar ayaa waxaa looga hadlaayay oo diirada lagu saaray hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale la isku dhaafsaday qaababka ay u shaqeeyaan maamullada, goballada iyo degmooyinka Maamulka Hirshabeelle, iyadoona mas’uuliyiinta isla wadaagay waayo-aragnimadooda.
Munaasabadda lagu soo xirayay shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), labada gole ee Dowladda iyo marti-sharaf kale.
Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka hadlaayay madasha ayaa ugu baaqay shacabka kunool deegaannada Hirshabeelle inay garab istaagaan Maamulka, isla markaana ay ka qeyb qaatan sugida howlaha Nabadgalyada.
“Shirkan waxa uu muujiyay isbeddelka horumarineed ee Hirshabeelle, anagana waxaa naga go’an in la wada guulleysto†ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)