Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda  Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka, Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Ku Xigeenadiisa, Xubnaha Golaha Xukuumadda, Lataliyaal sar sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulan wadareedkaan oo ah kii 1aad ee nuuciisa ah oo xukuumadu qabato waxaa socon doonaa labo Maalmood waxaana looga hadli doonaa barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee Golaha Wasiiradda iyo Wasaaradaha iyadoo la xaqiijin doono wadajirka iyo wadashaaeynta Golaha