Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyeyaasha Gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.
Maamulka degmada Ceel-baraf, odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle.
Maalmihii u danbeeyay madaxweynaha Hirshabeelle ayaa booqasho waxa uu ku marayay degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.