Muqdisho – Waxaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taasoo uu Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, si rasmi ah xilka ugu wareejinayo.
Munaasabaddan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, ayaa la filayaa in ay goobjoog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.
Wasiir Cabdulqaadir, oo xilka hayay muddo ka badan kuwii isaga ka horreeyay tan iyo dowladdii Kacaanka, ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Wasiirkii ugu waqtiga dheeraa ee qabtay xilkan tan iyo xilligaas, isaga oo door weyn ka ciyaaray dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed muddadii uu xilka hayay.
Cabdulqaadir Maxamedhawaan ayaa dhawaan la wareegi doono wasaarad kale oo uu dhawaan loo magacaabay.
Munaasabaddan ayaa ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo la sugayo khudbadaha ay jeedin doonaan madaxda sare ee dowladda iyo Wasiir Cabdulqaadir laftiisa, si loo muujiyo isbeddelka ku yimid hogaanka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waxa laga filayo hoggaanka cusub.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha munaasabaddan, kala soco wararkeena xiga.