Iyadoo Si Weyn Loogu Dheg Taaagayay Natiijada Doorashada Somaliland, Ayaa Goordhaw La Shaaciyay Natiijada Rasmiga Ah
Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay natiijada doorashooyinka Somaliland ee Madaxweynaha iyo Xisbiyada. Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha Somaliland, isagoo helay codad gaaraya 63.92%. Musharraxa KULMIYE, Muuse Biixi, ayaa isna helay codad u dhigma 34.81% ee guud ahaan codadkii la dhiibtay.
Tirada guud ee codbixiyeyaasha ka qayb galay doorashada ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 640,000, taasoo u dhiganta boqolkiiba 53% codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay. Waxaa sidoo kale la sheegay in codad gaaraya 16,000 ay xumaadeen, oo u dhigma 2% tirada guud ee codadka la dhiibtay.
Dhanka Xisbiyada, waxaa soo baxay saddexda xisbi ee WADANI, KULMIYE iyo KAAH, iyadoo xisbiga WADANI uu noqday kan ugu codadka badan oo helay 63% codadka la dhiibtay. Guushaas ayaa sidoo kale Xisbiga WADANI u xaqiijisay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa inay hogaamiyaan Somaliland.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa si weyn ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka reer Somaliland ee u muujiya dulqaadka, nabadda iyo ka qaybgalka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin tusaale wanaagsan oo ku saabsan dimuqraadiyadda Geeska Afrika.