Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabay.
Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.
Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar.
Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.