Iiraan oo dhoolatus militari ka sameynaysa Gacan-biyoodka Hormuz
Iiraan oo dhoolatus militari ka sameynaysa Gacan-biyoodka Hormuz
Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka ku baxa afka Ingiriisiga isla markaana ay leedahay dowladda Iiraan, ayaa sheegtay in Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ay qaban doonaan dhoolatus militari oo rasaas nool ah, kaas oo ka dhici doona Gacan-biyoodka Hormuz maalmaha soo socda.
Sidoo kale, telefishinka Al Jazeera oo soo xiganaya ilo Iiraani ah oo aan magacooda la shaacin, ayaa sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay ka qeyb ka yihiin tababarkan badda.
Illaa iyo hadda, mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kama aysan hadlin ama xaqiijin wararka la xiriira ka qeybgalka Ruushka iyo Shiinaha ee dhoolatuskan.
Dhanka kale, wakaaladda wararka Associated Press ayaa warisay in Iiraan ay Khamiistii soo saartay ogeysiis ay u dirtay shirkadaha maraakiibta, iyadoo ku wargelisay in dhoolatusyo badeed ay ka dhici doonaan Marinka Hormuz.
Marinka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga shidaalka caalamka, wuxuuna isku xiraa waddamada ugu waaweyn ee soo saara shidaalka ee ku yaalla Gacanka Faaris, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Iiraan iyo Ciraaq.