|

Trump oo shaaciyay in ciidamo badan uu u diray Iran

Warar · Ilhaan · January 28, 2026
Trump oo shaaciyay in ciidamo badan uu u diray Iran
In Summary

Trump oo shaaciyay in ciidamo badan uu u diray Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in ciidamo fara badan oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka ay u socdaan dhanka Iran, isagoo ku tilmaamay inay yihiin xoog awood leh oo diyaar u ah fulinta howlgallo haddii loo baahdo.

Trump ayaa sheegay in ciidamadan ay ka tiro badan yihiin kuwii hore loogu diray Venezuela, islamarkaana ay hoggaaminayaan markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, USS Abraham Lincoln.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, ayada oo ciidamada Mareykanku ay ku jiraan dhismaha awood milatari oo ballaaran ee ku wajahan gobolka badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Trump ayaa sidoo kale ku adkeystay in ciidamadaasi ay si dhakhso leh u fulin karaan hawlgallo haddii loo baahdo, isagoo intaasi ku daray in uu rajo ka qabo in Iran ay “si degdeg ah miiska wada-xaajoodka u timaaddo” si heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan loo gaaro.

Wararka ayaa sheegay in kooxda dagaal ee USS Abraham Lincoln ay haatan gaartay gobolka, iyadoo qeyb ka ah howlgallo ciidan oo lagu xoojinayo joogitaanka militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Xiisaddan ayaa soo baxaysa iyadoo ay jiraan walaac caalami ah oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal ama isku dhacyo milatari, maadaama labada dal ee Mareykanka iyo Iran ay ku jiraan xiriir aad u kacsan oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran iyo cabashooyin ka dhashay gacan ku haynta gudaha dalkaasi.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.