Ugu yaraan laba qof oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Mexico
kaddib markii dhulgariir cabbirkiisu yahay
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.5 uu ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka Mexico Jimcadii, sida ay wararku sheegayaan.
Warbaahinta Mareykanka ee CBS ayaa baahisay in ilaa fiidnimadii Jimcaha waqtiga maxalliga ah, la xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawaca tiro kale oo shacab ah.
Xudunta dhulgariirka ayaa ku taallay meel u dhow magaalada dalxiiska caanka ah ee Acapulco, gaar ahaan agagaarka San Marcos ee gobolka koonfur-galbeed ee Guerrero, halkaas oo gariirku si xooggan looga dareemay deegaanno badan.
Guddoomiyaha gobolka Guerrero, Evelyn Salgado, ayaa sheegtay in haweeney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku dhimatay dhulgariirka. Dhanka kale, Clara Brugada, duqa magaalada Mexico City, ayaa xaqiijisay geerida nin 60 jir ah, iyada oo intaas ku dartay in 12 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa wali wada qiimeynta khasaaraha, iyadoo lagu wargeliyay shacabka inay feejignaan muujiyaan maadaama ay dhici karaan gariirro kale oo daba socda.