Toogasho Ka Dhacday Mareykanka oo Carruur Badan Lagu Laayay
Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah
Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xaflad qoys oo ka socotay magaalada Stockton, gobolka California, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maraykanka.
Dadka la dhintay waxay da’doodu ahayd 8 sano, 9 sano, 14 sano iyo 21 sano, halka 11 kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen markii rasaastu ka dhacday makhaayad ay qoysasku ku dabaaldegayeen.
Boolisku waxay sheegeen in eeddaysanaha weli baxsad yahay, baaritaanna uu socdo.
Ku xigeenka duqa magaalada, Jason Lee, ayaa xaqiijiyay in dhacdadu ka dhacday intii lagu jiray xaflad dhalasho, halka afhayeenka booliska, Heather Brent, ay tilmaantay in caddeymaha hordhaca ahi muujinayaan in ay “u muuqato dhacdo si kas ah loo bartilmaameedsaday.”
Inkasta oo California ay leedahay shuruucda hubka ee ugu adag dalka, haddana sanadihii u dambeeyay waxaa hor yimid caqabado dhanka maxkamadaha ah. Sanadkii 2021, garsoore federaal ah ayaa buriyay xayiraad lagu mamnuucay hubka noocyada AK-15/AR-15.