|

Digniin: Nafaqo-darro baahsan oo ka jirta Qasa

Caalamka · Ilhaan · July 26, 2025
Digniin: Nafaqo-darro baahsan oo ka jirta Qasa

Ku dhowaad saddexdii qof ee ku nool Marinka Qasa mid ka mid ah ayaa maalmo aan wax cunin, barnaamijka gargaarka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.

“Nafaqo-xumada ayaa sii kordheysa iyadoo 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Digniinaha ku saabsan gaajada Qasa ayaa sii kordhay toddobaadkan. Sagaal qof oo kale ayaa u dhintay nafaqo darro Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka Falastiin ee ay maamusho Xamaas – taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalku billowday ka dhigaysa 122.

Israa’iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda Qasa, ayaa sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah oo ku aaddan in gargaarku soo galo dhulkaas, waxaanay Xamaas ku eedaysay nafaqo-xumo kasta oo jirta.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.