Buuraleyda Calmiskaad – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba duqeymood oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka buuraleyda Caal-miskeed, gaar ahaan togga Miraale oo kamid ah meelaha ay ku dhuumaaleysan jireen xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish, kuwaas oo la sheegay in ay xilligaas ka soo baxeen godadkoodii si ay dhaqdhaqaaqyo cusub u bilaabaan. Waxaana isla markiiba la fuliyay weerarro cir ah oo si toos ah loogu bartilmaameedsaday.
Bayaan kooban oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ahayd cidda fulisay duqeymahan, iyagoo kaashanaya sirdoonka iyo kormeerka Puntland. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in weerarradan lagu dilay tiro kamid ah firxadka Daacish ee ku sugnaa togga Miraale.
Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu beegsanayo xarumaha iyo godadka ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha xagjirka ah ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, gaar ahaan deegaannada fog ee ay adagtahay in si dhulka ah loo galo.
Ilaa iyo hadda lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo si sax ah loogu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.
Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha wararka duqeymahan, kala soco wararkeena xiga.