Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay kulan caadi ah ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Buuq iyo sawaxan ayaa ka bilowday kulanka ka socda Xarunta Golaha Shacabka, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ay keeneen mooshin ay ku diidan yihiin qorshaha Xukuumadda ee Wasiirada lagu horkeenayo Golaha.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in Wasiir aanay u yeerin oo aan soo marin habraacyada xeer hoosaadka aanay diyaar u aheyn in Golaha la iska keeno oo warqado ku qoran Jadwalka Wasiirada ku hor imaanayaan Golaha Shacabka ay Xukuumadda iska soo qorato.
Γ’β¬ΕXildhibaano tiradooda gaareyso illaa 30 xildhibaan ayaa dalbaday in ajendaha lagu kordhiyo ajenda kale oo ay ku sheegeen isla xisaabtan iyo habsami u socodka GolahaΓ’β¬Β ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulan shir guddoominaya.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana Buuqa iyo sawaxan uu socdaa ku dhawaad 30 daqiiqo.