Xalay magaalada,Laascanoode ee Gobolka Sool ka qabsoontay munaasibad heerkeedu sareeyo,oo lagu soo bandhigaayay Dhigane laga qoray abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa madaxyo wayntii Suugaanta Soomaalida.
Jaamac Kadiye ayaa ku geeriyooday dagaalkii Laascaanood ee u dhexeeyay maamulka,Soomaaliland iyo kuwa deeganka ee daga Gobolka Sool.
Alle ha u naxariiste buuggan ayaa waxaa uu ka hadlaayay Sooyaalkiisii Suugaaneed iyo dharaarihii qaraaraa ee uu usoo joogay,Jamaac Kadiye ayaa Soomaalida dhawaq dheer ugu sheegay in kala daadsanaantu hadimo tahay.
Waxaa goobjoog ahaa badiba Labeenta magaalada,Laascaanood iyo maamulka SSC Khaatumo,Garaadadda iyo shacabka ku nool magaaladaas
Waxaa halkaas looga shakeeyay Taariikhda uu xanbaarsan yahay dhiganahan.