Maxkamadda Sare ee magaalladda Mthatha ee Bariga Gobalka Keen ee dalkaasi ayaa Xukun Adag ku riday 3 nin oo lagu helay inay Ganacsade Somali iyo 2 Askari dileen sannadkii 2011-kii.
Eedeysanayaashaasi oo lagu kala magacaabo Zwelithini Gwebelele oo 43-jir ah, Masimthembe Mbashe oo 36-jir ah iyo Mawande Nkomo oo 33-jir ah ayaa waxaa midkiiba lagu xukumay Xabsi Daa’in ah.
Eedeysanayaasha oo uu wehliyey nin kale oo u geeriyooday dhaawac rasaaseed waxaa lagu helay inay Ganacsade Somali ah dileen bishii October 21-dii ee sannadkii 2011-kii.
Kabtan Anelisa Feni oo ka tirsan Dembi-baarista Boliska Koonfurta Afrika ayaa sheegay in Burcadda dileen Marxuumka Soomaaliga oo 38-jir ah, xilli ay doonayeen inay boobaan Dukaan uu lahaa Marxuumka.
Gacan-ku-dhiigalayaasha ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilalka ka geysteen, balse waxaa lagu guuleystay in la soo xiro sannadkii 2012-kii.
Sidoo kale, Burcadda waxay toogasho ku dileen Labo Askari oo ka tirsan Boliska dalkaasi oo u soo gurmaday Ganacsadaha Soomaaliga ee lagu dilay halkaasi.
©Radio Dalsan