Faah faahino ayaa laga helayaa Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Xasan Maxamuud oo loo yaqaanay (Xasan Qurux) oo xalay lagu dilay dukaan uu ka shaqaynayey oo ku yaala xaafad Hoostagta Degmada Kheyletsha ee magaalada Cape town.
Muwaadinka ayaa burcada hubeysan waxay ugu tageen dhaawac, sida aan warka ku helnay, balse ugu dambeeyntii waxaa uu ku geeriyooday isbitaallada Tygerberg Hospital ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Ciidamo Boolis oo gaaray dukaanka lagu weeraray Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan falka burcadnimo ee lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana goobta ka baxsaday arxanlaawayaashii dilka geysatay.
Bishaan Novembar gudaheeda ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ku dhawaad 10 Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilalkaasi joogta ah ee lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada.