Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Daraawalada Soomaalida ee Uber-ka ku shaqaysta, ayaa xalay abaare 3:30-Am lagu dhex dilay Xaafadda Soomaalida ee Bellville, Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Tuugada dilka u geystay, ayaa durbadiiba gacanta lagu dhigay, sida ay Saraakiisha Booliska xaqiijiyeen, iyagoo khaarijintiisa u adeegsaday Toorey/Mindi ay kaga dhufteen Surka iyo meelo badan oo jirkiisa kamida, islamarkaana ka qaatay Gaarigiisa.
“Report-ka Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed markuu nasoo gaarayba, Laamaha Amniga oo ku raadjoogay falkaas, ayaa wadada ku qabtay Gaariga oo ay ka shakiyeen, kadibna dhiigga ku yaalla Kuraasta, ayaa inoo fududeeyey inaan aqoonsano Gacan ku dhiiglayaasha Maxkamadaana lasoo taagi doonaa” ayey tiri mid kamida Saraakiisha Booliska ee goobta yimid.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadkaan bilowga ee 2024 siyaabooyin kala duwan loogu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaasi ku le goobaha Ganacsi, mana jirto weli cid iska xil saartay sidii falalkaasi wax looga qaban lahaa.