Dadweynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ka cabanaya tuugo dhac u gaysaneyso shacabka oo maalmihii ugu dambeysay dhibaato ku hayay magaalada.
Tuugadan ayaa dhac ka gaysata magaalada xilliyadii habeenkii iyo maliinkiiba, waxayna shacabka ka dhacaan telefoonada halka qaar kamid ah ay waddooyinka u fariistaan shacabka.
Qaar kamid shacabka Jigjiga ayaa BBC u sheegay in tuugada ay soo bateen maalmihii u dambeysay isla markaasna inta badan ay dhac u gaystaan habeenkii.
Qaar kamid ah shacbka ayaa rumeysan in xoriyaradda ay keentay arrintani halka qaar kalena ay sheegayaan in booliska ay ka gaabiyeen howshooda sugidda ammaanka.
Madaxa dambi baarista Jigjiga, Maxamuud Cabdi Haadi ayaa sheegay inay hayaan qaar kamid ah tuugada halka qaar kalena ay sii daayeen.
“Maadama, hadda ka hor xabsiyada laga sii daayay way jirtaa tuugadu, xubno badan oo aan baaristooda ku jirnay way jirtaa,kuwo la xukumayna way jiraanâ€.
Wuxuu sheegay inay wadaan baaritanno ay ku ogaanayaan waxa dhaliyay inay soo kordhaan dhacdooyinkan.
BBC SOMALI