Taliye-xigeenka Xabsiga Shiimo La Tewa ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, Meshakh Okiya ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inay Dowladda Kenya iyo Xafiiska QM ugu qaabilsan Daroogadda iyo Dembiyadda ee UNOC ka shaqeynayaan sidii Burcad-baddeeda Soomaalida ee dhamaysatay xukunnadooda loogu celin lahaa dalkooda hooyo.
Waxaa uu sheegay in 62 Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhamaystay xukunnadooda dib loogu celin doono dalkooda hooyo.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in isbuuca soo socda Safaaradda Somalia ku leedahay Naiorbi lagu wareejiyo 14 Burcad-baddeed, kuwaasi oo dhamaystay xukunkoodii.
Dhinaca kale, Â 164 Burcad-baddeed Somali ayaa ku xiran Xabsiyadda Kenya, kuwaasi oo la qabtay iyagoo Maraakiib ka afduuban lahaa Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya tan iyo sannadkii 2008-dii.
Xafiiska QM ugu qaabilsan Daroogadda iyo Dembiyadda ee UNOC Â waxay Xabsiyo lagu hayo Burcad-baddeeda aan xukunkooda dhamaysanin ka dhiseen magaallooyinka Garowe iyo Hargeysa.
© Warqabadka Radio Dalsan
Â