Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee La-Dagaalanka Burcad-baddeeda (EUNAVFOR Operation ATALANTA, the European Union’s counter-piracy naval force) waxay xaqiijiyeen inay Burcad-baddeed qafaasheen Markab Ganacsi oo marayey meel ka baxsan magaalladda Marka ee Gobalka Sh/Hoose.
Ciiddanka badda ee Hawlgalka Operation ATALANTA oo gaaf wareega Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay inay dabley hubaysan gudaha u galeen Markabka Ganacsiga ee MV Basilisk(باسيليسك).
Markabkaasi oo uu ka dul-babanayey Calanka dalka Liberia ayaa waxa uu marayey meel 380 nautical miles dhanka Bari kaga toosan Xeebaha Caasimadda Somalia ee Mogadishu.
Docda kale, Hay’adda UK ugu qaabilsan Hawlgallada Ganacsiga Baddaha ee UKMTO ayaa xaqiijisay in Markabkaasi laga qafaashay meel 420 nautical miles dhanka K/Bari kaga toosan Xeebta magaalladda Marka ee Gobalka Sh/Hoose.