Burcad-baddeed Somali ayaa waxay xalay mar kale qafaasheen Markab Ganacsi, Â Â kaasi oo mrayey Marin-biyoodka ugu khatarta bdan ee Maraakiibta Ganacsiga.
Hay’adda UK ugu qaabilsan La-socodka Hawlglladda Maraakiibta Ganacsiga ayaa sheegtay inay heleen Warka ku adan in habeenkii xlay Markan lagu weeraray, laguna qfaashay meel ka baxsan Badda dalka Yemen.
Hay’adda ma bixinin Faahfaahin kale.
Ilo ku dhow Wasaaradda Dekeddaha ee Puntland ayaa  sheegay inay Burcad-baddeed hubeysan qafaasheen Markab watay Calanka Tuvalu Flag, loona yaqaano OS35
Afhayeenadda Hawlgalka Ciiddanka Badda EU-da ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Commander Jacqui Sherriff ayaa sheegtay inay barayaan afduubkaasi
Bilowgii bishan, Burcad-baddeeda waxay Dooni ay l socdeen 11 Bdmaaxiin u dhalatay dalka Hindiya ka soo qfaasheen inta u dhexeysa Jesiiradda Sokhorta iyo Xeebta Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Isbuucyddii la soo dhaafay, Burcad-baddeed Soomaalida waxay ugu yaraan 2 Markab oo ay shaqaale shisheeye ah la socdeen ka soo qafaasheen meel ka baxsan Badda u dhexeya Somalia iyo Yemen.
©Radio Dalsan
Â
Â