Ibrahim Mohamed Ismail oo 42-jir ah ahna Arday Luqadda Shiineeska ka barta Jaamacadda “The Open University†ee dalka Britain ayaa loo soo celiyey Kharajka Tikidh uu ka goostay Shirkadda Basaska ee National Express Coach.
Ninkaasi waxaa si khasab ah looga dejiyey Baska Shirkadaasi bishii December 3-dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay qaar ka mid ah Rakaabka qoonsadeen, kuna direen Dareewalka oo ku khasbay inuu Baska ka soo dego.
Waxaana uu muranka ka dhashay Baska u sabab ahaa isagoo watay qalab badan oo ay ka mid yihiin 3 Boorsada Garabka, Laptop iyo Makiinadda Daabacaada (Printer).
Ibrahim Mohamed Ismail oo Reer Bristol ah, ma laha guri uu si gaar ah u deggan yahay, wuxuuna inta badan safraa isagoo wada dhamaan Hantidiisa.
Wargeyka Daily Mail oo maanta wax ka qoray arrintaasi ayaa sheegay inay Shirkadda National Express haatan bixiyeen Kharajka tikidhka oo dhan 25 Pound (£25), balse waxay diideen inay Raalli-gelin ka bixiyaan Qaladkii ay galeen.
Kharajka Tikidhka ee ay Shirkadda soo celiyeen waxa uu ka dambeeyey kadib, markii ay Hoggaamiyayaasha Bulshadda kulan la qaateen Madaxda Shirkadda Basaska ee The National Express, kana wada hadleen Dhacdada Foosha Xun ee Ardayga Soomaaliga sida khasabka ah looga dejiyey Baska.
Kulan kale ayaa la filayaa inay Ergadaasi la yeeshaan Madaxda Shirkadda, si ay Raalli-gelin uga bixiyaan Qaladka ay ka galeen Ardayga Soomaaliga ee Ibrahim Mohamed Ismail oo ay si khasab ah kaga dejiyeen Baska.
©Radio Dalsan         Â