Boqortooyada Ingiriiska ayaa Safiir Cusub u soo Magacawday Soomaaliya, kaasi oo bedalaya Safiirkii hore ugu joogay Soomaaliya Karte Foster, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi.
Michael Nithavrianakis ayaa loo soo magacaabay Soomaaliya,waxaana horay uu Safiirkaan Cusub kaga soo shaqeyay waddamo kala duwan oo dunida ah,kuwaasi ay ka mid yihiin waddamo ku yaalla Qaaradda Afrika.
Safiirkii hore ee Ingiriiska u joogay Soomaaliya Kate Foster ayaa waxaa la filayaa in loo diro waddan kale, waxaana Michael Nithavrianakis uu xilka la wareegi doona Bisha May.
Waxaana Safiirka cusub uu waajibaadka Diblomaasiyadeed uu kusoo shaqeynayay tan iyo 1984-tii, waxaana horay kaga soo howgalo waddamo ay ka mid yihiin Talyaaniga,Ghana,Gariigga, Sacuudiga iyo waddamo kale.