Boqorka Haashimiyadda Urdun, Boqor Cabdalla bIn Xuseen ayaa sheegay isagoo ka ambaqaadayo Shirkii Caalamiga ee La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ee 18 bilood ka hor lagu qabtay magaalladda Caqabada ee dalka Urdun inuu go’aansaday inuu Dowladda Somalia ka taageeraan sidii loola dagalaami lahaa Alshabaab iyo Daacish.
Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay inaysan jirin wax Wada-xiriir ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab oo uu tilmaamay inay caqabad ku yihiin Dib-u-dhiska Somalia.
“Madaxweynaha Somalia waxa uu ii sheegay inay qqof kasta taageerayso Somalia, balse uusan jirin Xiriirin, iyadoo Ciiddanka meelo kala duwan lagu soo tababaray†ayuu yiri Boqor Cabdallaha Urdun.
Wuxuuna intaasi ku daray inuu Madaxweynaha Somalia ka soo xigtay inaysan Ciiddanka Somalia lahayn Helikoptar ama Diyaaradaha Droneska iyo inay Askarta dhibaato kala kulmaan miinooyinka loogu aaso Waddooyinka, waa sida uu hadalka u yiri.
Boqorka dalka Urdun, waxa kale oo uu tilmaamay inuu Saraakiisha Maraykanka u sheegay inay Dowladda Urdun go’aansatay inay tababaraan Soomaalida iyo inay Urdun awoodi karto inay si wanaagsan u xiriiriso Hawlaha Somalia.
Dhinaca kale, Boqorka dalka Urdun waxa uu dhawaan go’aansaday inay ka weecdaan La-shaqeynta Milliteriga Maraykanka ee Hawlgalladda ka dhanka ah Alshsbaab iyo Dacaish, isla markaana ay door bideen inay la shaqeeyaan Milliteriga dalka Britain.
Waxaana uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Khaaska ee Britain iyo kuwa Urdun ku sugan yihiin Kenya, isla markaana ay qaadi doonaa Hawlgal ay ku soo geli doonaan gudaha Somalia, si ay u fuliyaan Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Britain oo ay Shabakadda Middle East Eye wax ka weydiisay Arrimahaasi, waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan doorka Ciiddanka Khaaska ee Britain ee SAS Force ku leeyihiin Hawlgalladda ka socda gudaha Somalia.
Sannadkii 2012-kii, Â Wargeyska Daily Star ayaa qoray ilaa 60 Komaandooska Britishka inay Ciiddanka Kenya kala shaqeynayaan si ay u beegsadaan Alshabaab.
©Radio Dalsan
Â