Ciiddanka Ammaanka ee Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 241 Muhaajiriin Shisheeye ah oo si sharci-darro ah ugu sugnaa dalkaasi.
Ilo ka tirsan Ciiddanka Jandarmiiga Turkiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee ANADOLU in Muhaajiriintaasi lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay GoballaddaEDIRNE, Kirklareli iyo Mugla ee W/galbeed ee dalkaasi.
Muhaajiriinta la qabtay ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Algeria, Pakistan, Syria, Iraq, Iiraan, Bangaladesh iyo Mayanmaar, waxaana loo gudbiyey Xafiiska Hay’adda Socdaalka Turkiga ku leeyihiin Gobalka EDIRNE.
Dhinaca kale, Turkiga waxa uu marin muhiim u yahay Muhaajiriinta Shisheeyaha ee doonaysa inay tahriib ku galaan dalalka ku yaalla Galbeedka Europe, si ay uga helaan Nolol, Nabad iyo inay qaataan Dhalashadda dalalkaasi.