Ciiddanka Yuhuuda waxay rasaas ku fureen Boqolaal Dibadbaxayaal Reer Falastiin oo ka soo horjeeday Deegan sharci-daro oo laga dhisayey magaalladda Baytal-Laxam oo ku taalla Daanta Galbeed ee dhualalka La-haysto ee Falastiin.
Ciiddanka Yuhuuda waxay Dibadabaxayaasha u adeegsadeen rasaas nool, kuwa cinjirka, Diyaaraadaha Darooniska iyo suntan dadka ka ilmeysiisa.
In ka badan 370-qof ayaa lagu dhaawacay Toogashadaasi oo ay ku jiraan 31 qof oo ay rasaas nool lagu dhaawacay.
Dibadbaxayaasha Reer Falastiin waxay gubeen Taayaro, waxayna dhagxaan ku tuurayeen Ciidadnka Israel oo iyagana adeegsanayey rasaas kala duwan.
Ururka Bisha Cas ee Reer Falastiin waxay sheegeen in 379 qof la dhaawaxay, iyadoo 31 ka mid ah rasaas nool lagu dhaawacay.
Iska-horimaadyo noocaasi ah ayaa waxay shalay oo Jimco ahayd ka dhaceen Degmooyinka Kafar Qduum iyo Beyt Dajab, halkaasi oo Tobaneeyo qof oo Reer Falastiin ah laga daaweeyey waxyeello ka soo gaartay sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo adeegsaday.