Qulqulka Tahriibayaasha sida khatarta ah kaga soo gudbayo Badda Mediterranean Sea soona gaarayo Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxay tiro ka mid ah u sii gudbaan dalalka kale ee Galbeedka Europe, gaar ahaan dalalka Sweden, Switzerland, Norway iyo Finland.
Hay’adda Federalka daka Switzerland ugu qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay inay kordheen Tahriibayaasha Magangelyo-doonka ee soo gaarayo dalkaasi.
Tiro-koob ka soo baxay Hay’addaasi ayaa lagu sheegay inay 47% kordheen Muhaajiriinta magangelyo-doonka ah, kuwaasi oo dalkaasi iska dhiibay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in bilihii April iylaa June ee sannadkan inay Switzerland iska diiwaan-geliyeen 7,384 codsiyo magangelyo-doon ah.
Tahriibayaasha Eritreanka ayaa la sheegay inay yihiin Qaxootiga ugu badan ee dalka Switzerland magangelyo weydiisanayo, waxaana magangelyo codsaday 3,238 Qaxooti Eritrean ah.
Kaalinta Labaad waxaa ku jirta Tahriibayaasha Soomaalida ee safar-baddeedka ku soo gaaray Xeebaha Koonfurta dalka Talyaaniga, ka hor intaysan u gudbin dalka Switzerland.
Hay’adda Federalka daka Switzerland ugu qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay inay Muwaadiniinta Soomaalida kaalinta Labaad ku jiraan, iyadoo ay 455 qaxooti Somali ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.
© Radio Dalsan