Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dilkii loo gaystay Atooraha badda oo ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in uu dilay saaxiibkiis.
Booliska ayaa Baaritaan dheer ku sameeyay dilka loo gaystay Marxuumka, waxaana ay sheegay in gacan ka hadal uu dhex-maray marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha, kaasi oo sababay in la dilo Atooraha badda.
Waxaa la sheegay in ay isku qabsadeen lacag deeq ah oo marxuumka la dilay uu doonayay in uu ku caawiyo dadka Masaakiinta ah,  Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay kadib shir jiraa’id oo uu qabtay  in ”Atooraha Badda uu dilay saxiibkiis Leeleefow kadib markii ay isku qabsadeen lacag $62,000  oo dollar”.
Warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay ayaa sheegayay in Al-Shabaab ay dileen marxuumka, balse Booliska ayaa caddeeyay in arrintaasi ay hayd mid marin habaabin bulsho ah.