Taliska Booliska Soomaaliya oo soo xiray lamaane ku edeysan anshax xumo ay ku faafinayeen baraha bulshada
Qoraal ka soo baxay booliska soomaaliya ayaa lagu yiri
“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa soo xiray labo eedeysane,
Maxamed Maxamuud Siid Axmed 42 jir ah, Qadiijo Maxamed Cabduqaadir 23 jir ah,kuna eedeysan in ay ku kaceen falal Anshax-daro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib diini ah iyo mid damiiri ahba ka saaranyahay ilaalinta ammaanka iyo dhaqanka suuban, sidaa darteed ruux walba oo arka hala soo xariiro xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”