Booliska Soomaaliya ayaa goordheyd Xabsiga dhigay Gabar maalmihii lasoo dhaafay hadal hayn ka dhalisay baraha Bulshada, kadib markii ay ku baahisay muuqaallo ka fog anshaxa suubban iyo dhaqan Soomaalida.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed ayaa haatan gacanta lagu hayaa sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xeer ilaalinta.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeeda†ayaa lagu yiri Qoraalka.
Sidoo Kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in la horgayn doono Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka Bulshada†ayaa lagu yiri Qoraalka Xeer ilaalinta Qaranka.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.