Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saarey dhulka Damdamiska,oo saaka laga rarey dhulkii ay deganaayeen.Af-hayeenka Booliska Soomaaliya oo la Hadley warfidiyeenka ayaa sheegay in dhulkaas laga dhisaayo xarun u gaara ciidanka Dam-damiska si ugu shaqeeyaan.
Af-hayeenka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan,ayaa si weyn ugu mahad celiyey shacabkii halkaas deganaa xerada Dam-damiska.
Gashaanle Cabdifataax ayaa xusey sida ay Muqdisho baahi weyn ugu qabto,Goobtan laga rarey shacabka,waxana uu carabka ku adkeeyey in degdeg loo dhisaayo xarunta ugu weyn ee ay yeelanayaan ciidanka Dam-damiska.
Sidoo kale waxa uu sheegay in tira koob ay sameeyeen oo ku saabsan goobaha kala duwan ee gubtey Muqdisho oo kaliya ay tahay 147 meelood,waxana uu sheegey Af-hayeenka in laga nasan doono,ganacsiga Soomaaliyeed ee macno darada u bas-beelaayey.
Geesta kale Cabdifataax Aadan Xasan,ayaa sheegey in maanta ay ku eegayd mudadii loo qabtey shacabka Soomaaliyeed ee halkaas deganaa.