Wararka aan ka helayno Magaalada Boorama ee Somaliland ayaa ku warramaya in caawa halkaasi lagu dilay Wiil dhalinyaro ah, waxaana la helayaa faah faahiino kala duwan oo dilkaasi ku aaddan.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Jaamacadda Camuud ay Ciidanka Booliska Somaliland ay toogteen wiilkaasi, waxaana wararku sheegayaan in Wiilka la dilay uu jimicsi u tagay dooxada camuud, kadibna halkaasi lagu toogtay sida wararku sheegayaan.
Dilka kadib Ciidamo frabadan oo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa isku gadaamay Cusbitaalka Boorama oo la keenay Maydka Wiilka.
Wali ma jiran wax faah faahin ah oo laag bixiyay dilka wiilkaasi, sidoo kale laamaha ammaanka ee Boorama kama hadlin.