Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday dagaalamaayasha AL-Shabaab iyo dadkii wadday.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah,
- Faisa Cali Maxamed
- Cabdi Axmed Cusmaan.
- Haaddi Cumar Cilmi
- Cabdi Maxamuud Cali
- Saalax Cabdulqaadit Mahad
Qalabka ay leeyihiin Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;
- Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.
- Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory
- Biisooyin Kaashwito
- Kabo balistig ah.
- Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system)
- Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)
Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.
Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.