Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedaysane la sheegay inuu magaalada Garowe ka dhacay gaari nooca loo yaqaan Laylo Calaawida.
Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Puntland ayay ku guulaysteen Inay gacanta ku dhigaan eedaysane Jaamac Aadam oo 25 November 2023 ka dhacay magaalada Garowe gaari, sida ay Boolisku ku sheegeen qoraal ay soo saaraan.
“Ciidanka Booliska Puntland oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta Nafta iyo Hantodooda ayaa ku guulaystay Inay gacanta ku dhigaan eedaysane Jaamac Aadam oo 25 November 2023 ka dhacay magaalada Garowe gaari nooca loo yaqaan Laylo.Ciidanka Booliska oo markiiba bilaabay howlgal lagu sooqabanayo gaariga iyo eedaysanahii dhacay iyagoo gacanta ku soodhigay Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Booliska Mamaulka Puntalnd