Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay wiil dhalinyaro ah oo ku hawlan in uu baraha bulshada ka sameeyo muuqaallo isaga oo isku dayaya in uu dumar iska dhigo. Eedeysane Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, oo 18 jir ah, ayaa la soo xiray kadib markii uu sameeyay falal anshax xumo ah oo lid ku ah dhaqanka iyo diinta Soomaaliyeed. Booliska ayaa shaaciyay magaciisa, sawirkiisa, iyo muuqaalladiisa.
Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-jajab, ayaa soo bandhigay eedeysanaha Cabdiraxmaan, kaasoo loo heysto in uu si joogto ah u sameyn jiray muuqaallo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, isagoo xiran dharka dumarka iyo xijaabka, taasoo dhalisay hadal hayn iyo dhaleeceyn weyn oo ka soo yeeray bulshada Soomaaliyeed.
Eedeysane Cabdiraxmaan ayaa lagu eedeeyay in muuqaalladiisa ay ku dhaawaceen akhlaaqda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, isagoo isku dayay inuu ka dhigo muuqaallo aan ku habboonayn anshaxa iyo xuquuqda bulshada.
Booliska ayaa tilmaamay in dhalinyaradan ay yihiin kuwo si aan habboonayn uga faa’ideysanaya baraha bulshada, waxaana ay ku eedeeyeen in falalkan ay ka mid yihiin xadgudubyo amni iyo dhaqanka bulsho.
Falka uu sameeyay Cabdiraxmaan ayaa noqonaya mid ka mid ah dhacdooyinka soo noqnoqda ee bishaan gudaha dalka, iyadoo dhowr dhacdo oo la mid ah ay ka dhaceen gudaha Soomaaliya, kuwaasoo dhalinyaro rag ah ay isku dayeen in ay iska dhigaan dumar. Sida la sheegay, ugu yaraan seddex dhacdo oo la xiriira dhalinyaro rag ah oo dumar iska dhigaya ayaa ka dhacay Soomaaliya intii uu socday bisha November ee sanadkan.
Booliska ayaa bulshada ka codsaday inay si degdeg ah ula xiriiraan laamaha amniga haddii ay la kulmaan ama ay arkaan falal amaan xumo ku keeni kara amaanka dalka. Waxaa sidoo kale la sheegay in dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay aad uga careysan yihiin dhacdooyinkan, iyadoo falalkaas loo arko inay dhaawacayaan dhaqanka, diinta, iyo bulshada Soomaaliyeed ee guud ahaan.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la xasuusinayaa in falalka noocan oo kale ah aysan ku habboonayn dhaqanka iyo akhlaaqda bulshada, isla markaana ay jiraan ciqaabyo sharci oo ka dhalan kara haddii ay falalkan sii wadaan.