Jugta qarax xoogan ayaa waxaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isbitaal Madiina ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid Is-miidaamin ah oo u fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyey inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo.
Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta ka Agdhawaa, kuwaasi oo durbo goobta xiray.
Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay qaraxaas marka laga reebo Ninka geystay.
“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii aliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay†ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.