Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho, dadweynuhuna ay adeegan karaan Caawa illaa 1:00 AM saq dhexe.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa u sheegay in iyadoo loo damqanayo Bulshada la kordhiyay saacadda si howlahooda muhiimka ah u dhameysaan.
Sidoo kale taliyaha ayaa wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada Baarlamaanka ee heysta ID Card Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha Caafimaad ee dagdagga ah u baahan kadib marka ay hubiyaan Ciidamada amniga.
Ugu dambeyn Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada Amniga ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo idmaday, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro ka dhacda Muqdisho.
Booliska dowladda Federaalka ayaa Bandow kusoo rogay Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira qabsoomida doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri ka dhaceysa Teendhada Afisyooni.