Booliska Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in ay guul ka gaareen howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Karkaar, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish. Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen, dagaalyahannadan ayaa ka firxaday furimaha dagaalka ee buuraleyda Puntland, halkaas oo ay ka socoto duullaan xooggan oo lagula dagaallamayo kooxda Daacish.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in xubnahan firxadka ah lagu qabtay baadiyaha degmada Dangorayo iyo deegaano hoos taga gobolka Karkaar, kuwaas oo ay muddooyinkii dambe ka jireen dhaqdhaqaaqyo ay Daacish ka wadday.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in dhammaan dagaalyahannada la qabtay la horgeyn doono maxkamad, si sharciga loola tiigsado.
Taliska booliska Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in amniga deegaannadaasi uu yahay mas’uuliyad guud. Boolisku waxay si gaar ah ugu dhiirrigeliyeen dadka deegaanka in ay feejignaadaan, una soo gudbiyaan hay’adaha ammaanka macluumaadka la xiriira dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Daacish..
Puntland ayaa haatan ku jirta dagaalkii ugu culusaa ee ay kula jirto Daacish, waxaana dagaalkaasi uu si gaar ah uga socdaa dhulka buuraleyda ah, oo ah goob ay kooxahaasi saldhigyo ka sameysteen.
Ciidamada ammaanka Puntland oo kaashanaya hay’ado kala duwan ayaa ku dadaalaya in ay burburiyaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaasha, si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Wararku waxay intaa ku darayaan in duqeymo iyo howlgallo kale oo dhanka cirka iyo dhulka ah lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ay kooxda Daacish ku leedahay buuraha, taasoo keentay in dagaalyahanno badan ay ka firxadaan, halka qaar kalena la dilay.
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa ku adkaystay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Daacish.