Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay hayaan shaqsiyaaad looga shakisan yahay inay ku lug-leeyihiin dil loo gaystay Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo laga helay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaa oo uu degganaa.
Allaha u naxariistee Cabdinaasir ayaa ka shaqeynayay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
“Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.
Sidoo kale Booliska ayaa intaas kud aray in uu socdo baaritaan ku saabsan falkaan iyo ciddii ku lug laheed, iyadoo boolisku ay tageen guriga laga helay meydka,waxaana qoraalka lagu sheeegay in gacanta Boliiska hada ay ku Jiraan ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay.
“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa†ayaa lagu yiri Qoraalka.