Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa xiray Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda ee dalka Jarmalka kaas oo lagu eedeeyay in uu mar ka tirsanaa Al-Shabaab xiligii ku sugnaa Gudaha dalkiisa Soomaaliya.
Ninkaan Soomaaliga ah oo Magaciisa lagu soo koobay Cabduqaadir oo jira da’da 20-ka ayaa waxa ay Booliska Jarmalka ku eedeeyeen in  in uu ku lug lahaa isku day dil oo lala damacsanaa mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka oo aanan magaciisa iyo Darajadiisa la sheegin.
Hay’adda Sirdoonka ee Jarmalka ayaa muddo sanooyin ah ku daba jirtay Cabdiqaadir, waxaana ugu dambeyntii ay ku qabteen Gobolka Hesse ee dalka Jarmalka.
Falka lagu soo edeeyay Cabduqaadir ayaa Soomaaliya waxa uu ka dhacay sanadkii 2012-kii waxaana la sheegay in uu doonayay in uu dilo Mas’uulkaasi xilli uu ka soo baxay Masjid laakiin uu ka badbaaday.
Sikastaba Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Cabduqaadir uu ka soo muuqdo Maxkamad ku taala dalka jarmalka.