Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qalimow oo 30km dhanka Koonfureed ka xiga Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dadka la dilay ay saarnaayeen Gaari nooca Soomaalida u taqaano HOMEY,kadib markii lagu rasaaseeyey.
Gaariga oo ka yimid dhanka Magalada Jowhar ayaa kusoo jeeday Magalada Muqdisho balse xilli uu marayey afaafka hore ee laga soo galo tuulada Qalimow ay rasaaseeyeen Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabelle oo shalay fariisin halkaasi ka sameystay.
Inta la xaqiijiyey laba ruux oo midka mid ah ay haweeney tahay ayaa la sheegay in ay rasaastaas ku geeriyoodeen,waxana sidoo kale ku dhaawacmay saddex kale kuwaas oo loo qaaday dhawacooda dhanka Magalada Jowhar.
Rasaasta Ciidimada booliska Hir-Shabeelle ay gaariga ku fureyn ayaa la sheegay in ay ku timid shaki kadib markii gaariga uu kusoo dhawaaday halka ay fariisinka ka sameysteen ee deegaanka Qalimow.
Arrintaan ayaa sidoo kale waxa ay kusoo aadeysaa xilli maalin kahor deegaanka Qalimow ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo deegaanka  kusoo galay dhowr gaari oo nooca HOMEYDA ah taas oo keentay in Ciidamada Gaarigii maanta ay ka shakiyaan.