Ciidanka Booliiska Soomaliyeed oo Gacanta Ku soo Dhigey Koox Burcad ah oo Taleefoono ka Dhacdey dad Rayid ah, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraal kasoo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ciidanku ay gacanta ku dhigeen burcad dhacayay Telefoonada Gacanta, waxaana Ciidanku ay howlgalka ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
“Saaka Taariikhda 13-05-2024 abaaro 07:30 Am Ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa . Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban 991 Kuna war geliyey In La dhacay. Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Boliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga Geystey†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.
Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciidanku ay gurmadeen, kadib markii ay heleen xogta koox burcad ah oo dhac ka waday qaybo ka mid ah Xaafadaha Degmada Heliwaa.
“Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseysoâ€