Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne)
Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka.
Qoraal kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedaysanaha, waxaana Boolisku sheegeen in si dag dag loo horgeyn doonaa Maxakamadda awooda uleh.
“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka†ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.